Gabay Advanced

Ma Duqaynay Reer Bari

By Sayid Mohamed Abdulle Hassan

Hordhac

Abbaaraha taariikhdu markay ahayd 1910kii ayaa Daraawiishi laba qalcadood ka dhisatay ceelka Buraan oo ah togga Jiidali daantiisa koonfureed. Hase yeeshee waxaa ka carooday Boqor Cismaan oo markaas u talinaayay gobolka Bari, iyo Garaad Maxamuud Cali Shire oo Daraawiish ka fallaagoobay, madaxna u noqday degmada Laasqoray, Ceelaayo iyo inta raacsan. Labadaa nin oo madaxda ah baa ku heshiiyay in Daraawiish laga kiciyo ceelkaas Buraan, waxayna marmarsiinyo ka dhigteen inay Daraawiishi nabaddooda halis gelineyso, dalkav fadhiyeenna daabkiisii qabsadeen.Boqorkii wuxuu soo dumay col tiradiisu tahay aayadaha quraanka cadadkooda (6666), Maxamuud Cali Shirena wuxuu soo dumay col aan waxba ka yarayn colka Boqorku soo diray. Madal waxaa noqotay Buraan. Halkaas 80 nin oo Darwiish ah oo Maxamuud Feyte madax u yahay ayaa lagu qur jaray. Markii warkii soo gaaray xaruntii Daraawiishta oo ahayd Daarcad oo Taleex u dhaw, ayaa laba talo laysku qabtay:
B) In lagu duulo Buraan ciidanka qabsaday, si looga soo ceshado. T) Iyo in la weeraro degmada Garaad Maxamuud Cali Shire oo Raacin taal.
Taladaan dambe ayaa loo guuxay, oo la guddoonsaday. Daraawiish oo lug iyo faras ah ayaa weerar ku ballaarisay degmada Maxamuud Cali Shire. Ruuxlihi, dad iyo duunya waxay degmadaasi lahaydna gacanta midig bay ku dhigeen. Maxamuud-Jaarig oo ahaa la taliyaha Garaad Maxamuud Cali Shire, ayaa fakaday isagoo ku jooga faras la yiraahdo Jiire oo qaylo kula dhex dhacay colkii qabsaday Buraan, wuxuu ku yiri: “Wax iga soo horreeyay ma aragteen?” Waxaa lagu yiri: “Maya.” Markaasuu yiri: “Wax iga dambeeyana arki maysaan”. Markaas ayaa colkii laba talo isku qabtay:
1) In ciidanka Daraawiishta laga hor tago, oo duunyada laga dhacsado. 2) Iyo in xarunta loo weydaarto inta ciidanku ka maqan yahay oo la qabsado.
Talada hore ayaa loo guuxay, laguna guddoonsaday. Iyagoo lug iyo faras ah, ayay weerar qabax ku siiyeen Daraawiish oo aan xoolihii weli gurya geyn, hase ahaatee halkaasaa lagu jebiyay colki isbahaystay. Dagaalkaas wuxuu ku caan baxay Habarhumbulle, waxaa laga mariyey dhowr gabay, oo uu ka mid yahay gabaygan soo socda:

Gabayga

Nimanyahow dabuub gabay beryaa, uma dedaaleyne Wax i daaray mooyiye xalaa, laygu soo degaye Aan dabeebto gabaygu waa, dab iyo baaruude
Onkod dininiglayn baan ihiyo, dirirkii cawleede Daad soo rogmaday baan ahoo, dooxadii yimiye Aan durduro dabaal baan ku mari, dool la ii xiraye
Dayax iyo shamsaan ahay haddaan, la idafirahayne Gudcur dama habeen dumay, cirkaan dacal ku nuuraynin Ma diyado tillaabada ninikii, dowga marayaaye
Dugsi haddaan la helin, dhaxanta waa lagu daddoodaye Dabaylihiyo fooraa la tegi, daar waxaan geline Deyradhagafyadaan shidahayaa, dogobxo waaweyne
Dulbaax malaha xaajada middaan, diirka ka caddeyne Diirfimo halkii aan lahayn, waa sidii danafe Waxa dunida qaarkeed ka dhacay, dood aan ka iraahdo
Daayimow Allahayow adaan, dunina moogayne Daandaansi ina-adanaa, loogu dawgalaye Deyn nimaan ka qabin buu, nafluhu daba gelaayaaye
Haddii nalaku soo diray khalqiga, Dir iyo Daaroodba Warsangeli haddii uu dunjigii, iyo diricyo soo qaatay Dashiishiyo Majeerteen haddii, deexda laga keenay
Guutadii la soo dumay, haddii nalaku soo duushay Wax la soo dandaanshaba, haddii nala dul gowdiidshay Dildillaaca waaberi, haddii nalagu sii daayey
Annagaan digniin qabin haddii, nala dareensiiyo Digta weerar qoobkii hadday, dinigtii yeedhay Doonyada uluuftaa hadday, Daalo kor u dhaaftay
Qaylada dalluunta ah haddii, nala dareensiiyo Degdeg inaan u soo roorro waa, daw lad alabkeede Ma dul keennay kuman duub cadoo, wada Daraawiisha!
Dikri hadduu ku soo galay xarbiga, aniyo duulkaygu! Dayaydii horteedaba baqay, dabada taageene! Diigaanyo ciidana miyaan, daafta kala raacay!
Sidii aar daloombi markaan, ugu dinnahyeeyey Dulihii shareerraa markuu, dibawga jiiraayey Daanyeerku meeshuusan marin, dani ma jeexsiisay!
Danbi ma leh cadaawaha ninkii, deli ka xooraaye Derajuu Ilaahiis ka heli, labada daaroode Dabku iima naxo nimay, kufriga deris wadaagaane!
Ferenjiga direyska leh kuwii, diiradda u qaaday Iyaguba dariiqada Alliyo, diinta caasiya e Waxay noo duleedsheenba waa, door weynaha e
Dulmigaan bannaanayn kuwii, doofil ugu hiisha Haddaan daayo waa aniga oo, daawadii furaye Danabkii rasaaseed miyaan, diillin kaga yeelay?!
Dareemada ka badan meydka yaal, didbta buureede Dhiiggoodu sida doogsin roob, wawsagii duxaye Dugaaggii hilbaha quudan jiray, loo dayaafadiye
Nimanyahow af laba daan leh, baan muranka deyneyne Daleelaha cidlaa lagama shubo, hadal daleeleede Ma duqaynay reer Bari, wuxuu doonayuu helaye!
Aniguba dilkoodaan ku helay, libin daboollayde Daa’irada Eebbiyo markii, deeqa nala siiyay Ma dabbaaldeggiyo muufahaa, duhur la gaarsiiyay?!
Duca awliyaad buu qabaa, degaha Tuurwaaye Waa nimanka gaalada deldela, doog iyo abaare Waa nimanka doofaarradii, daariguu jaraye
Roobkiina waa kaa u da’ay, duraha jiilaale Waa kaa dalkoodii ballidu, wada duraabtaaye Waataa arladii daahirtee, diib ka soo kariye
Cawskii dumayoobey baa, doog ka soo baxaye Dallaqyadiyo dooxooyinkiyo, diisha iyo qaare Dunqaarihiyo xamashkaa sidii, diriq la moodaaye
Maalkii diraacdii dhalaa, doobte loo culanne Duunyada wax laga maalayaa, daranii caanoode Rabbigii dawaa’iga sidaa, deeqi noo ridaye
Afartaa dujaye balaan mid kale, deelka ka higaadsho Aan dabeebto eeggana halakay, damacday laabtaydu Dowcad kalena waa Ina-Mashire, hadal aan deeqsiiyay
Aday deyrshay maantaan ahaa, duri xigaalkaaye Adigay dafiray sidii anoo, duul shisheeye ahe Waataynu derisnaye adaa, daawadii furaye
Doolaalo adigowgu tegay, gaalka duufka lehe Adigaa dariiqada Alliyo, diinka caasiyaye Goortaan ku daayana adaa, diiday nabaddiiye
Wax dhaaxaan dedaalkaa u maray, deli ciriiryoone Wax dhaaxaan dunqaaraha lahaa, dib uga soo jooge Maantaa dubbii kugu dhacaye, duxi ha kaa raacdo!
Waadigaa degagaye sidii, dalow u meertayso! Ama deyrka xiro waa taqaan, dabin ishaalleeya! Ama doofil qabo cayri waa, diifta kugu taale!
Ama quud duleedaada ka xaab, dereg haddaad weydo! Ama daaliboo bari inuu, kuu dawaro uunku! Ama duunyaraac noqo cidlaa, kaaga sii darane!
Ama doonyihiyo Saaxil iyo, Cadan dillaaleyso! Ama dooy u dhoofoo u carar, dalaan la gaareynin! Ama sida dirkiinnii cashriga, dogobbaduu raaro!
Ama duurgal iyo tuugo iyo, dagati uun dhawro! Ama dahada gaal baad tahaye, dacay ha kaa saarto! Ama dooraweynow baqdaye, dirir u soo joogso!

Summary

Gabaygan wuxuu Sayidku tiriyey ka dib dagaalkii Habarhumbulle ee dhexmaray Daraawiishta iyo isbahaysigii Boqor Cismaan iyo Garaad Maxamuud Cali Shire.