Gabay Advanced

Dardaaran

By Sayid Mohamed Abdulle Hassan

Hordhac

1919kii markay taariikhdu ahayd ayaa Ingiiisku ku soo duulay Daraawiish isagoo dayuurad iyo ciidan lixaad leh wata. Dabadeedna waxay Daraawiishi guddoonsatay inay u qaxaan dhanka koonfur iyo webi Shabeelle. Halkaas waxaa degganaa xarunta laanteedii saddexaad oo uu madax ka ahaa Khaliif Shiikh Cabdulle. Ka dib xaruntii weynayd waxaa laga dhigay Qorra, Shinniile iyo Horushagax. In kastoo dayuuradihii iyo ciidamadii Ingiriisku nabarro xun u geysteen, haddana Daraawiishi xooggoodii iyo lixaadkoodii ma dhinmin, waxayna ku tala jireen inay col u qalqaalaan Ingiriis iyo wixii raacsanaa, hase yeeshee, adduunku ma dhammi buu dhashaye, duumo, tacluus iyo furuq baa ku habsaday Daraawiish, markaasay tarab tarab u le’atay. Raggii madaxda ahaa badidoodiina waa geeriyoodeen. Iyadoo Daraawiishi xaaladdoodu sidaa tahay ayaa Ingiriis iyo dadkii raacsanaa guuto camaaryalay ah ku ballaariyeen, waxay ka heleen geel la baxay Hagoogane.
Magacaa wuxuu geelu kula baxay iyadoo la yiri “Geelaa ninkii wax ka saanyooday kibir buu la hagooday, ninkii ka aadayna ciil buu la hagoogtay, ninkii lagadhacayna caloolxumuu la hagoogtay. Dabadeedna Sayidkii iyo wixii Daraawiish ka haray waxay tageen Iimeey oo togga webi Shabeelle xaggiisa sare ah. Rag talo kama dhamaato e, hindiso kaley haanka ku hayeen, hase yeeshee, Sayidka geeridiisa ayaa wax kasta baabbi’isay.
Gabayga soo socda ayuu Sayidku mariyey markay Iimeey degeen, dhaawacyadii loo geystayna ka xafaaroobeen. Inkastoo wax si toos ah noogu mariyana aannan helin, kutiri-kuteen waxaan ku maqalnay in Calidhuux gabay digasho ah u mariyey Daraawiish markay jabtay. Waxaa gabayga Calidhuux halkudheggiisu ahaa:
Waa lagu digtaa duul hadduu kuu darraab jiraye Bal dayooy wadaakii waa kaa sii dabayshadaye.
Sayidku wuxuu ka warramay dad iyo duunyo wixii ka lumay oo dhan, duummadi iyo furuqii neefeeyey, tabaha gumaysiga, tallaabooyinkuu maaggan yahay iyo ciribxumada u dambaysa kuwa gumaysiga u adeega. Waxaannu gabeygan ka soo qornay dad kala duwan oo Daraawiish ah. Wuxuuna Sayidka yiri:

Gabayga

Min daroofle aqal daahya weyn, dedab la heedaamay Darmo iyo firaash lagu gam’iyo, daalam iyo googo’ Aniga oo waxaan doonayaba, derajaday haysta
Iyo duni wixii nagaga lumay, dararkii Ceeldheero Dab wax gubi dayuurado kufrigu, nagu dul gowdiidshey Dumbuq subaca degalkaan ka kacay, dahab wixii yiillay
Dakhal jabay wixii daar burburay, ama bukhaar duugmay Didibtii bannaanayd wixii, dad iyo maal jiifay Diric iyo waxay shiikh dileen, ama duq waayeela
Maxajabad daboollayd wixii, gaal u dukhuulaayey Dabatoobka Iiddoor wuxuu, dararay caarkiisa Lo’ durdura wixii deeble geel, nalaka sii daayay
Dullihii shareerraa wixii, daal na caga gooyay Dirowgii qabsaday reerkayaga, dalankicii gaaray Dulkuneefle kaan soo ag maro, duullan ka hor geyska
Dan la’aan waxay nagu faleen, darab nijaaseedku Doonyaha shammalka ah haddii, dakhalka loo laalo Mar uun baa dabaylahaa sidaa, kor u dandaanshaane
Oo doofaarradii ku jiray, daraxu caynshaaye Dabro cudura duumo iyo furuq, waxa dadkii xaaqay Annagu diidi maynoo mar baa, daayin noo wacaye
Ninkiise tiisa loo deynayaa, haygu diirsado e Kolna haddaan cid laga deynahayn, mowdka dabaqdiisa Ninkii haatan nagu diganayow, dan iyo xeeshaa
Dangaraaradii nagu dhacdiyo, webi dabaashiisa Inkastoo daleel nala dhigaan, doocna nagu cayman Duuflaalladii naga harow, dan iyo xeeshiinna
Doodna waxaan u leeyahay dadkeer, hadalka deyn waayey Nimanyahow dammiinimada waa, lagu dulloobaaye Dadku wuxuu jeclaystaa waxaan, duxi ka raacayne
Dagaalkii nasaarada anaa, daalib ku ahaaye Dalka ma lihid anigaa ku iri, doora weynaha e Daliilkii Rasuulkii anaa, doonayoo helaye
Anaa diiday maantuu lahaa, deeqan iga hooye Diinkayga anigaan ku gadan, dabaqi naareede Anaan labada daarood tan hore, derajo moodayne
Markay duushay gaaladu anaan, daabbaddu rarine Goortay dareeraan anaan, diiradduu qabane Anigaan dariiqiyo waddada, dowga sii marine
Anaan doora-weynow kufriga, daacadnuu galine Ferenjiga direyska leh anaan, diiradduu qabane Sida doxorka Iiddoora anaan, duudxammal noqone
Doofaarka eyga ah anaan, daarihiis geline Anigaan dillaalkiyo ardiga, duubiguu xirine Anigaan dariiqada Alliyo, diinta caasiyine
Daarood Ismaaciil ma oga, dowga loo qodiye Waa ninkii durbaan tumay markaan, dowga sii maraye Waa wixii dayooy yiri intuu, soo dabbaaldegaye
Dadow maqal dubuubtaan ku iri, ama dan hawl yeelan Ama dhaha darooryiba jiryaye, doxorku yeelkiisa Nin ragay dardaaran u tahaye, doqon ha moogaado
Dano lagama helo gaal haddaad, daawo dhigataane Waa idin dagaayaa kufriga, aad u debcaysaane Dirhankuu idiin qaybahayaad, dib u go’aysaane
Marka hore dabkuu idinku dhigi, dumar sidiisiiye Marka xigana daabaqadda yuu, idin dareensiine Marka xiga dalkuu idinku oron, duunyo dhaafsada e
Marka xiga dushuu idinka rari, sida dameeraaye Mar haddaan dushii Adari, iyo Iimeey dacal dhaafnay Maxaad igaga digataan berruu, siin la soo degiye!

Summary

Gabaygan caanka ah wuxuu Sayidku tiriyey 1920-kii, isagoo kaga tegay dardaaran dhaxalgala oo ku saabsan khatarta gumeysiga iyo mustaqbalka dalka.